“Maxamedow Biixow Indhahaagu Siyaasi Xirsi ka Weyn maba Qabtaan Waana kuu Ceeb Wiil yar oo aad Dhali Karto Inaad daba Socoto” Odey Nuur Maxamed (Faalge)

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Debedda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis kana tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani oo ka hadlay Munaasabadii loo qabtay Xubnihii Xisbigaasi waddani ku Soo biirayey.

Maxamed Biixi ayaa hadal uu munaasabadaa ka jeediyay wuxuu beelaha habar jeclo u soo jeediyay ianay codkooda siiyaan maadaama haldoorkii iyo siyaasiyiintii beeshu Xisbiga ku jiraan hormoodna u yihiin isagoo Farta ku Fiiqiya Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Caga Baruur Maxamed Biixi Yoonis  oo u Muuqda Siyaasi Hagaasay isla markaana ku Guuldaraystay inuu Beeshiisa ku Qanciyo Xisbiga ay Doolka ku tageen ayaa guuldaradiisa siyaasadeed kula soo dul kufay beelweynta Habar jeclo oo Qoorweynta, Aqoonyahankeeda, Siyaasiyiinteeda, Saraakiisheeda, Haweenkooda, Madax-Dhaqameedku meel wada mareen isla markaana ku heshiiyay inay Maal Muruq iyo Maskaxba isla garab taagaan Cidii ay wax wada lahaan jireen ee abaalka ku lahayd oo Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Beeshiisa waxaan kuu markhaatiya Wacdarihii iyo Soo dhawayntii beeshaasi ku Qaabishay deegaanadii beelaha Habar jeclo ee uu Mujaahidku Marayey.

Maxamed Biixi Yonis waxa ka luntay Jahadii maadaama uu nin weyn oo da’a ah yahay horena siyaasada dalka iyo ta beeluhu siday u qaabaysan tahay aannu aqoonin oo uu ahaa “Jug Soo Dhacay”Maxamed Biixi Waxaynu ogayn markii uu iskaq Casilay Xilkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u Magaacabay uu iska Casilay hadaladii uu BBCda ka yidhi ayaa inoogu filaa Heerka Siyaasiyan iyo Waayo aragnimoba uu gaadhsiisan yahay taas oo ahayd “Mudane Wasiir adigu Madaxweynaha mays aragteen oo ma waydiisay oo ma kawada Hadasheen Arrimhan aad Shhgayso?

Maxamed Biixi Wuxuu ku Jawaabay “May Madaxweynaha ismaanu arag kamana aannu wada hadal ee Xirsi Baa noo sheegay” Subxaanallaa  Maxamed Biixi waa Siyaasigaa Inanka yare e Caruurtiisa le’egi ku Guurayo talaabo aannu Xirsi ogayna Maxamed Biixi Yoonis ma Qaado.

Hadalkan u Dambeeyay ee uu Habarjeclo Leeyahay Codka Na siiyana wuxuu muujinayaa Xog La’aanta Haysa,Beesha Habar jeclo Siyaasadooda Waxa Mus dambeed u ah Siyaasiyiin Ruug Cadaaya Madax dhaqameed iyo Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Halkii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Farta gu Fiiqay Jidkaas ayay Haystan Haddaad Siyaasiga iyo Haldoorka Habarjeclo Xirsi U Taqaano MaxamedBiixiyoow Habar jeclo Ragga Miisaanka Culus ee Siyaasiyiinta ay ku Dhaadato Reerkana Wax laga Waydiiyaa Waa Madaxweyne Axmed Maxamaed Siilaanyo,Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan,Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed,W#asiir Maxamuud Xaashi,Wasiir Cali Mareexaan,Wasiir Cali Siciid Raygal,Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale,Siyaasi Xasan Gaafaadhi, iyo Qaar kale oo Badan. Waana beel talo tashi meel ku joogta Midgaan talada reerka iyo Danta reerka shilimo ka doorta iyo Mansab loogu balan qaado la waayi maayo ugu Dambayntii Maxamed Biixoow Aqoon La’aan ayaa Habar jeclo kaa haysee Haldoorka iyo Siyaasigooduba Meel bay wada Mareen Beeshana ku Hageen

Comments

comments