Somaliland: Waa Sidee Saaka Xaaladda Guud Ee Deegaanka Dararwayne Ee Degmada Ceel-afwayn Oo Shaqaaqo Khasaare Sababtay Ku Dhex Martay Laba Beelood Oo Walaalo Ah?

Wararka saaka naga soo gaadhaya degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Warganenews ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Qaranka Somaliland ay ku guulaysteen inay kala kaxeeyaan maleeshiyo beeleed labadii cisho ee u danbeeyey dirir ku dhex maraysay deegaanka Dararwayne ee degmada Ceel-afwayn halkaas oo ay ciidamo beeleed hubaysan ay isku horfadhiyeen.
Maleeshiyaadkan oo diriri ku dhex martay deegaanka Dararwayne ayaa waxay dirirtaasi sababtay dhimashada 7 qof iyo dhaawaca 18 qof oo kale,waxaana markiiba kala dhex galay ciidamada Qaranka Somaliland oo iyagu fadhiisimo ka samaystay deegaanka,waxaana ciidamadu ay ku guulaysteen inay kala dhex galaan isla markaana kala kiciyaan ciidamo beeleedkii isku horfadhiyey duleedka deegaanka Dararwayne.
Waxaana sidoo kale ay ciidamadu hawl gallo ay xalay ilaa shalay galinkii danbe ka sameeyeen deegaanka Dararwayne iyo Ceel-afwayn ay ku qab-qabteen dad lala xidhiidhinayo inay ka danbeeyeen colaadan dib uga bilaabmatay Dararwayne, Rag hubaysan oo ka tirsan ciidamadan kuwaas oo qaarkood ku hawlanaa hub iyo ciiidan urursi iyo sidoo kale madax-dhaqameed labada beelood kasoo kala jeeda kuwaas oo loo xidhay xaaladd amni.
Deegaanada degmada Ceel-afwayn oo ay ugu horeyso deegaanka Dararwayne ayaa saaka laga soo sheegayaa in xaaladda guud ay dagan tahay isla markaana amaanka deegaanadaasi ay wakhti xaadirkan gacanta ku hayaan ciidamada Qaranka Somaliland.
Gabagabadiina waxa xalay Burco iyo Ceerigaabo kasoo kala baxay sida naloo sheegay madax-dhaqameed kala duwan oo ka kala socda labada Beelood ee dirirtu dhex marayso oo horena ay shaqaaqo khasaare badan sababtay u dhex martay,kuwaas oo xalinta iyo heshiisiinta labadan beelood la waday mudooyinkii u danbeeyeyba,ilaa hadda lama garanayo halka ay saldhigan doonto colaadan dib uga soo cusboonaatay deegaanka Dararwayne ee degmada Ceel-afwayn.

Comments

comments