Somaliland: Mas’uuliyiinta UCID iyo Haldoor Kale Oo Si Diiran U soo Dhaweeyey Sarkaal Qurbejooga ah Oo xisbigooda Ka Tirsan

105

Mas’uuliyiinta xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID ayaa maalintii shalay magaallada Hargeysa ku soo dhaweeyey Eng. Sayid Cali Muxumed Cilmi oo ka tirsan siyaasiyiinta qurbejooga ah ee xisbiga UCID, kaasi oo kasoo kicitimay wadanka Sucuudiga, shalayna kasoo degay madaarka Hargeysa.

Soo dhawaynta Eng.Sayid Cali oo ay horkacayeen masuuliyiinta xisbiga UCID waxaa kale oo ka qayb galay siyaasiyiin, aqoonyahanno, madax dhaqameed, dhalinyaro iyo hal door kale oo xisbiga ka tirsan. Xoghayaha warfaafinta ee UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi oo warbaahinta la hadlay shalay ayaa ka warramay soo dhawaynta ay ku qaabilayaan Masuulkan qurbejooga ah ee xisbigooda ka tirsan oo uu ku tilmaamay in uu kamid noqon doono baallasha uu xisbigu ku duuli doono marka dhawaan la gudo galo hawlaha doorashada ee innagus oo fool leh “soo dhawaynta Eng. Saydi Cali Maxamuud Cilmi ooo ku magac dheer Sayidka qaranku, wuu u qalmaa in soodhawayntan oo kale iyo mid ka ballaadhanba aynu u samayno, somaliland-na maanta way  u dhan tahay soodhawayntiiisa hadday yihiin salaadiintii, dhalinyaradii, aqoonyahanki, siyaasiyiintii iyo haweenkiiba”. Sidaasi ayuu yidhi Xoghayaha warfaafinta ee UCID Yuusuf Keyse Cabdillaahi. Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay oo isagu magaca madax dhaqameedka iyo odayaasha soo dhaweeyey ku hadlayay Oday Xaaji Cabdi-laangadhe oo isaguna dadweynaha iyo taageerayaasha UCID uga mahad naqay soo dhawaynta ay u sameeyeen Masuulkan.   Gebogabadii waxaa isagu halkaasi ka hadlay Eng. Sayid Cali Muxumed oo ah masuulka xisbiga UCID uu shalay soo dhaweeyey waxaana uu u mahad naqay shacbiga soo dhaweeyey eemadaarka kaga hor tagay “Waxaa markah ore mahad iska leh Ilaahay oo maanta nabad qab igu keenay dhulkaygii hooyo  iyo dadkaygii iyo xisbigaygii UCID oo sidiiran ii soo dhaweeyey”. Sidaas ayu yidhi Eng. Sayid

Comments

comments