Somaliland: Muxuu Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis Ka Yidhi Xilka Uu Ka Hayo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI? + Soo Dhaweyn Diirran Oo Lagu Qaabilay

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii ugu horeysay ka Hadley xilka uu ka hayo xisbiga Mucaaridka ee waddani, iyadaa bulshada Somaliland si weyn waxa isaga waydiin jireen inay ogadaan xilka uu ka hayo xisbiga waddani, wuxuuna sheegay Ex wasiir Maxamed Biixi Yoonis inuu kamid yahay masuuliyiinta ugu tunka weyn xisbiga islamarkaana uu yahay odayaasha xisbigaas, Maxamed Biixi Yoonis ayaa sida ku sheegay mar ushalay kasoo dagay garoonka diyaraadaha ee Egal international Airport. Dhanka kale Maxamed biixi yoonis ayaa faahfaahiyay safarkiisa kusoo guryo noqoshaada dalka waxaan uu Yidhi sidan “Aadbaan idiin salaamaya dhamaantiin waxaanan aad iyo aad ugu mahad-celinaaya madaxda xisbiga waddani oo maanta halkan sii weyn noogu soo dhaweysay, sida u sheegay muniir ujeedadayda aan halkan uu yimid waxaa weeye inaan ka qaybgalo xaflad maalinta berriya xisbiga waddani uqaban doono haldoorkii magaalada hargeysa oo kusoo biiray xisbiga waddani taas oo aan hormood ka ahaa hawsheedana an qayb weyn ka qaatay “Maxamed Biixi Yoonis wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland isagaa oo hadaladiisa sii wataa waxaa daardaarn ujeediyay asxaabta siyaasada ee heegan ugu jirta hogaaminta dalka waxaana kamida hadaladiisa“ aniga markii hore waxaan uu maqnaa uun waa hawlaha xisbiga, inta badan waxaan joogay magaalada addis ababa, marka waxaan jecelahay inaan baaq udiro asxaabta siyaasada waxaan leeyahay tartanba inagaa dhexeeya, aynu sii fiican utartano, hala joojiyo hadalada turxaanta ee bulshada kala jabinaaya “ ayuu hadalladiisa kusoo afmeeray Maxamed Biixi Yoonis.Si kastaab ha ahaate maxamed biixi yoonis ayaa maanta ka qaybgeli doona xaflad balaadhan oo xisbigaas uu samaayn doono siyaasiyii, iyo haldoorka aqoonyahan, kasoo jeeda magaalada Hargeysa, waxaanu socdaalkiisan kusoo beegmayaa xilli dalka kusoo foodleeyahay ololaha doorashada madaxtiniimo ee dhawaan ka dhici doonta dalka.

Comments

comments