Somaliland: Maxamed Biixi Yoonis Oo Dalka Ku Soo Noqday Xisbiga Kulmiyana U Hanjabay Balse Muxu Ugu Hanjabay

Somaliland: Maxamed Biixi Yoonis Oo Dalka Ku Soo Noqday Xisbiga Kulmiyana U Hanjabay Balse Muxu Ugu Hanjabay

Xisbiga WADDANI, waxa uu saaka dalka ku soo dhaweeyey diblomaasi sare/Dr.Maxamed Biixi Yoonis oo muddooyinkii dambe socdaal hawleed ugu maqnaa dalka dibaddiisa.
Maxamed Biixi, waxa uu sheegay in uu dalka u yimi soo dhaweynta jamaahiir tiro badan oo ku soo biireysa xisbiga WADDANI, kuwaasi oo iskugu jira haldoorka reer Hargeysa oo isagu shakhsiyan uu qeyb ka ahaa dadkii hawshooda sida weyn uga soo shaqeeyey.

Maxamed Biixi, waxa kale oo uu dalka u yimi dar-dar gelinta hawlaha Xisbiga maadaama uu yahay odey weyn oo Musdambeed u ah Xisbiga.

Waxaana soo dhawaynta hormood u ahaa Madaxwaynaha Mustaqbalka dhaw Dr-Abdirahmaan Abdilaahi Cirro.
Iyo Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan.
Waxaanay kusoo dhaweeyeen si gal iyo laab ah.

Comments

comments