Somaliland: Maxa Ka Jira Khilaafka Xisbiga Waddani Ka Dhex Qarxay Iyo Cida Ka Danbeysa

Xisbiga waddani oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay iskugu tageen kooxo badan oo magacyo kala duwan wata iyo siyaasiyiintii hore ee aas aasayaasha xisbigaasi ahaa oo laga dareemaayo in ay soo if baxayaan khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya awood qaybsiga xisbigaasi.

Urur Diimeedkii BADBAADO Iyo Xubnihii Iska Casilay Xukuumada Siilaanyo Oo Majaraha Siyaasadeed U Qabtay Siyaasada Xisbiga Waddani ayaa waxa uu dhaliyey in gudoomiyaha xisbiga waddani uu la soo darso jaah wareer iyo go’aan qaadasho la’aan uu go’aan ka qaadan kari laayahay sidii loo hagi lahaa xisbiga.

Gabagabadii,kooxahan ku soo fashilmay nidaamyadii ay ka soo tirsanaan jireen ayaa waxay xisbiga Waddani ka dhex abuureen khalkhal siyaasadeed oo baaxad leh oo baryahan ugu danbeeyey laga dhex dareemaayo xisbiga iyo hogaankiisa waxaana laga dayrinayaa kooxahan aynu kor ku soo xusnay oo gabi ahaanaba doonayaaya in ay gacanta ku dhigaan go’aanada xisbiga iyo kooxihii aas-aaska u ahaa oo ku dagaalamaaya jiritaanka xisbiga,hadaba gudoomiyaha ku guul daraystay hagaida 82ka xildhhibaan ee qarankani leeyahay waxaa la sugayaa sida uu u xaliyo khilaafkan siyaasadeed ee soo kala dhex galay xisbigan Waddani.

Comments

comments