Askari Soomaali-Ameerikaan Ah Oo Ku Eedaysan Dilka Haweenay Caddaan Ah Dalka Maraykanka

Habeenimadii Sabtida ee Toddobaadkan waxaa gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka nin Boolis ah ku diley Haweeney u dhalatey dalka Australia oo 40 sano jir ahayd.

Justine Ruszczyk oo ahayd haweenayda la diley ayaa garaacday Lambarka gar-gaarka deg-degga ah ee 911, kadib markii ay meel ku dhaw gurigeeda ka maqashey qaylo haween taas oo ay u fahantey in halkaas kufsi ka dhacayo.

Waxaa goobta gaadhey laba Booliska Minneapolis ka tirsan. Mid kamid ah Booliska ayaa ku hadhey gaadhigiisa halka kii kale uu noqdey ninka diley haweenydii Garaacday ama la hadashay Lambarka gargaarka deg-degga ah ee 911, sida ay qortey warbaahinta gudaha ee gobolka Minnasota.

Sida ay sheegeen Saraakiisha u saraysa Booliska Minneapolis, labada sarkaal midna ma sidan kaamaradda jidhkiisa ku xidhan, taas oo khasab ah in Boolisku shido marka uu hawlgal gelayo, waxaana socda baadhitaan ku saabsan waxa dilkani la xidhiidho.

Boolisku kama helin goobta wax hub ah oo ay sidatey haweenyda la diley.

Ninka dilka geystey ayaa si hoose warbaahinta loogu sheegay in uu yahay nin lagu Magacaabo Maxamed Nuur oo asal ahaan Soomaali ah, waxaana uu ahaa ninkii u horeeyey ee Soomaali-Ameerikaan ah oo ka mid noqda Booliska Minneapolis.

Maxamed Nuur ayey warbaahinta qaarkeed sheegaysaa in uu ku socdey baadhitaan kadib markii  uu jidh-diley haweeney oo uu si khasab ah ku geeyey Cisbitaalka isaga oo sheegaya in ay waalan tahay.

Comments

comments