Somalia: Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Puntland Oo Kalsoonida Kala Laabtay Wasiiradda Madaxweyne Cabdiwali Gaas.

171

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa goor dhow codka kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada Madaxweyne Cabdiwali Gaas, kaddib markii ay mooshin ka keeneen.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay goor dhow ku yeesheen xaruntooda Garowe ayaa ku soo dhamaaday in codkii kalsoonida lagala noqday Xukuumadda Gaas.

47 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 9 Xildhibaan ka aamustay, hal Xildhibaan uu diiday, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada inay tahay mid sax ah.

Kalsooni kala noqoshada Wasiirada Cabdiweli Gaas ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo tan iyo markii uu soo baxay mooshinka uu bilowday wada hadalo lagu qancinayay Xildhibaanada inay joojiyaan.

Comments

comments