Somaliland: Wasiirka Madaxtooyadda Oo Dib U Soo Nooleeyey Qorshe Uu Damacsan Yahay Inuu Kula Wareego Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE.

126

Abaabulka Maxamuud Xaashi, Ayidaada Aqalka Madaxtooyada Iyo Aaminka Maxamed Kaahin Midkee Guulaysan Doona?.

Booqasho Ismuujin Ah Oo  Wasiir Maxamuud Xaashi Ku Tagaayo   Gobolka Togdheer Oo  Qaban-Qaabadeedii Ka  Socoto  Burco.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sii xoojiyay qorshaha uu ku doonaayo inuu kula wareego guddoomiyenimada Xisbul-xaakimka KULMIYE, ka hor inta aanay gaadhin doorashada madaxtooyada ee muddaysan 13-ka November ee sannadkan.

November ee sannadkan. Iyadoo qorshahaasi ay ku xeeran yihiin duruufo adag oo siyaasadeed oo saamayn ku yeelanaaya mustaqbalka Xisbiga iyo wadajirkiisaba.

Wasiir Maxamuud Xaashi, waxa uu qoyska madaxtooyada ka helay kalsooni ah inuu dhacsado mansabka Guddoomiyaha KULMIYE, isla markaana uu is-muujiyo oo uu burhaantiisa iyo kartidiisa siyaasiga ah u soo bandhigo shacabka iyo kaadiriinta Xisbul-xaakimkaba.

Wasiirka Madaxtooyada oo dalka ku soo laabtay Jimcihii toddobaadkii hore, waxa uu Sabtidii toddobaadkan bilaabay is-muujintiisa siyaasiga ah ee KULMIYE, waxaannu booqday magaalada Gabiley oo masuuliyiinta dawladda iyo Xisbiguba ugu soo dhaweeyeen si ka weyn sidii hore, waxaannu ka jeediyay khudbad dheer oo iskugu jirtay Ammaanta shakhsiyada Guddoomiye iyo Murrashaxa Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, taas oo u muuqatay inuu ugu raad gadanaayo ololaha ismujintiisa oo aanu Mujaahidka KULMIYE u sharaxani la dhacsanayn, sidoo kale wuxuu goobti uu ka hadlaayay kaga tiraabay hadalo faan iyo haaraan iskugu jiray oo uu hawada u mariyay Xisbiyada mucaaridka ah.

Geesta kalena, waxa abaabulkeedii ka socdaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer soo dhawayn aad looga shaqeynaayo oo Wasiirka Madaxtooyadu toddobaadkan ku tagi doono Gobolka Togdheer, waxaannu doonayaa inuu booqashada Burco ku soo bandhigo taageerada uu ka haysto bulshada bariga Burco. Waxa kaloo uu wadaa olole uu ku dhaqdhaqaajinayo odayaal iyo waxgarad beeshiisa ka soo jeeda oo doonaya inay Guddoomiye Muuse Biixi kala hadlaan inuu Wasiirka Madaxtooyada ku wareejiyo.

guddoomiyenimada KULMIYE, taasi oo Muuse Biixina uu aad uga gows adaygayo inuu ku wareejiyo Hoggaanka xisbigaas cid aan ahayn Guddoomiye-ku-xigeenkiisa koowaad Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ay ahaayeen muddo dheer jaal iyo rafiiq siyaasadeed, aadna u aaminay Muuse Biixi isagoo aha shakhsigii kaliga aha ee Muuse Biixi ku hadhay markii Xukuumaddu dhinac ka wada martay.

Waxa qorshaha soo laba-kacleeyay ee Wasiirka Madaxtooyadu noqon doontaa mid kala qaybsanaan siyaasadeed u horseedi doonta KULMIYE, waxa kale oo la arki doonaa sida uu Wasiirku ugu adkaysto hankiisa iyo halka uu maro haddii uu fashilmo isku-daygiisu

Comments

comments