Somaliland: CIRRO Oo Olole Ku Eedeeyay Xisbiga KULMIYE & Maxamed Kaahin Oo Sheegay In Wasiirradii Xukuumadda Ka Baxay Lacag Badan Ku Bixinayaan Loolanka WADDANI

KULMIYE iyo WADDANI Oo ka hadlay Digniin uga timid Guddiga Anshaxa Kaadh-qaadashada Ee Komiishanka Qaranka

Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, ayaa eedaymo culus isku mariyey Warbaahinta, ka dib markii ay ka soo laabteen Safarro Wacyi-gelin ah oo ay Toddobaadkii u dambeeya ugu maqnaayeen Degmooyinka Gobolka Togdheer.

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo Telefiishanka SAAB waydiiyey waxay ka odhanayaan eedaymo ay dhawaan u jeediyeen Guddiga Anshaxa ee Komiishanka Doorashooyinka, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inay Wacyi-gelintii Kaadh-qaadashada Gobollada Togdheer iyo Maroodi-jeex u beddeleen Olole Doorasho, ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay.

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro oo ugu horeyn la hadlay Telefiishanka, ayaa sheegay inay ilaalinayaan Xeerka Anshaxa, laakiin Dadkii ku soo dhaweeyay Deegaannadii ay Socdaalka ku tageen ay iskood isku abaabuleen, waxaanu yidhi “Waanu ixtiraamaynaa Guddiga Anshaxa, wixii lagu heshiiyeyna waanu ixtiraamaynaa, Komiishanku siday u shaqeynayaana waanu ixtiraamaynaa. Annagu Dad aanu Abaabulnay ma jirin, ee (iyagaa is abaabulay) xitaa hadday na soo dhaweeyeen, waanuna ka xunnahay hadday ku jiraan waxyaabo loo maleeyay inay Gef ku tahay waxyaabihii lagu heshiiyey.”

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna ka jawaabayey Su’aasha laga waydiiyey eedaymihii Guddiga anshaxa Kaadh-qaybinta, ayaa yidhi “Haddii KULMIYE marayo Gobollada Maroodi-jeex ama Togdheer ama Gobolladii hore ee uu marayey, Dadweynaha Gobolladaa deggan ama goobahaa deggan hadday Xisbigooda ka hor-yimaaddaan waxaan u qabaa ama Xisbi ahaan aanu qabnaa in aanay Xeer-jebin ahayn. Tusaale ahaan, Annaga gudoomiyahayaga waxa Deegaankooda ku Casuumay Dad, dee olole maaha ee Dad baa Deegaankooda ku casuumay.”

Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu sheegay inay ka taxadarayaan wixii sharci-jebin ah, “Waanu ka Taxaderaynaa, horena waanu ugu taxadireynay, wixii dambana waanu ka taxaderaynaa inaanu Xeerka Anshaxa ku socono.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu olole ku eedeeyay Xisbiga WADDANI, “Ololeyntu waxa weeyaan inaanu Dadka ku nidhaahno KULMIYE u codeeya, laakiin Dadka waxaanu ku lahayn Qofka Muwaadinka ahoow Kaadhkaaga qaado, laakiin WADDANI waxa la hayaa meelo badan oo Dadka ku lahaayeen WADDANI u codeeya, Kaadhkaas ayaynu wax ku beddeli karaynaa ee Kaadhka qaata ayay lahaayeen.”

Mujaahid Kaahin waxa kale oo uu sheegay in Wasiirradii uu hore WADDANI ugu eedayn jiray Musuqmaasuqu ay hadda ka mid yihiin Xisbigaasi, “Haddii Dib loo raaco eedaynta WADDANI, Wasiirradii ugu badnaa ee ay odhan jireen Hantidii Ummadda ayay qaateen waa kuwa Maanta iyaga la jooga ee la ololaynaya ee weliba Hantida badan bixinaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xisbiga WADDANI waxaanu leenahay, haddaad odhan jirteen Xisbiga KULMIYE ayaa hanti-qaatay, Wasiirradii aad ku eedayn jirteen Maanta way idinla joogaan ee Hantidii Ummadda iyaga kala xisaabtama.”

Hasa-yeeshee, Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro oo mar kale hadalka ku soo noqday isagoo ka jawaabaya eedaymaha ah inay meelaha qaarkood olole Doorasho ka sameeyeen ee uu u jeediyey Mujaahid Maxamed Kaahin, ayaa yidhi “Anigu waxaan qabaa in Xisbiga KULMIYE uu shantii bilood ee u dambeeyay uu olole iskaga jiray, Gabiley wixii ka dhacay waad ogaydeen, Magaalo kasta toban jeer bay ku noqdeen, halka aanu 8-dii bilood ee u dambeeyay aanu laba jeer tagnay Gobolka Togdheer, halka Geed walba Calanka KULMIYE la sudhayey waad garanaysaan, markaa KULMIYE maaha kii Cid eedayn lahaa, ee waa kii la eedayn lahaa.”

Comments

comments