Somaliland: Ciidamada Qaranka Somaliland Ee Jiiddaha Hore Ee Gobolada Bariga Oo Heegan Culus Galay+Waxa Soo Kordhay

Wararka naga soo gaadhaya magaalooyinka Laascaaanood iyo Ceerigaabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiiddaha hore ee deegaanada gobolada Bariga Somaliland ay heegan culus  galeen.

Ciidamadan heeganka culus galay ayaa dareemay dhaq-dhaqaaq iyo farogalin ay damacsan tahay in maamulka Puntland oo kaashanaysa xukuumadda Xamar ay ka sameeyaan deegaanada xuduudaha ah ee gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn kuwaas oo ay doonayaan inay ka qoraan ciidamo.

Waxaana sidoo kalena xoguhu noo sheegeen in xalay ay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay ka baxeen dhawr guuto oo ciidamada Qaranka ah,kuwaas oo kusii jeeda deegaanada Xuduudka ah ee Somaliland,waxaana ay ciidamadani yihiin kuwo gaashaamaan heegana ugu jira sidii ay dalkooda u difaaan lahaayeen,

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo Ramaasnews isku dayday inay khadka telefoonka kula xidhiidho ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo uu naga qaban waayay awgeed.

Gabagabadiina waxa laga cabsi qabaa in deegaanada xuduuddda ah uu dagaal u dhex maro ciidamada Qaranka Somaliland ee iyagu heeganka ugu jira sidii ay u difaaan lahaayeen dalkooda iyo ciidamada maamulka Puntland.

Comments

comments