Sawirka Marwada Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Iyo Aragtiyaha Laga Bixiyey !

141

Xaaska Madaxweynaha Dalka Kuuriyada Waqooyi ee magaceeda la yidhaahdo Rai Sool, oo aan had iyo jeer la arag iyada oo wehelinaysa Sayigeeda Kim Jung Own oo ah Madaxweynaha Dalkaasi K.Waqooyi.

Haddaba, wakaalada wararka ee Dalkaasi K.Waqooyi ayaa waxay aad u qaada dhigtay Sawir iyo Muuqaal Muujinaya Madaxwaynaha iyo Xaaskiisa oo is ag fadhiya kana soo wada qayb galay Tijaabada gantaalkii ugu dambeeyay ee Dalkaasi Tijaabiyay.

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee lagu arkaa Xaaska Madaxwaynaha K.Waqooyi ayaa waxa uu ahaa xaflad ay ka soo qayb gashay bishii March ee sanadkii hore, waxa aanu Telefiinshanka Dalkaasi shaaciyay in Madaxwaynaha iyo Xaaskiisu iyaga oo wada socda ka hor Xafladii lagu soo tijaabinayay Gantaalkii ugu casrisanaa ee cabsi galiyay Dalal aad u badan oo uu ka mid yahay Maraykanku, waxaana xusid mudan inay hal mar soo wada galeen xaflada Madaxweynaha iyo Xaaskiisu, taasi oo ah arrin aan hore loogu arag.

Comments

comments