Deg Deg: Wasaarado Faraha Iskula Tagay Iyo Khilaaf Ka Dhex curtay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Saylici Oo Maraya Meel Xasaasi Ah

Deg Deg: Wasaarado Faraha Iskula Tagay Iyo Khilaaf Ka Dhex curtay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Saylici Oo Maraya Meel Xasaasi Ah

Laba Wasaradood oo ka mid xukumada Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa
ka dhex qarxay khilaafkii ugu cuslaa Wasaaradahan ayaa kala ah wasaarada xidhiidhka Golayaasha iyo Wasarada Dib U Dejinta ayaa waxaa ay isku haystaan cidii gali laheyd dhismihii ay ka baxday wasaarada diinta iyo Awqaafta Somaliland

Madaxweyne Siilanyo ayaa la sheegay in uu dhawaan soo saarey warqad uu dhismahaasi ugu ogolaanayo in ay gasho wasaarada Dib u dejintu intii aanu madaxweynuu dhoofin

Sido kale madaxweyne ku xigeenka oo iminka ah ku sii simaha madaxweynaha Somaliland ayaa isna soo saaray warqad uu dhismahaasi ugu ogolaanyo in ay gasho wasaarada xidhiidhka golahaasi .

Wasaarada xidhiidhka golayaasha ayaa iyadu durtaba u soo wareegtay wasaaradaasi isla markaana ku xidhatey boodhkeedi

Xalinta khilaafkan ayaa waxaa lala sugaaya madaxweyne Siilanyo oo dhawaan dalka iman doona

Comments

comments