Cajiib: Coldoon Oo Sumcadii Gobalka Togdheer La Hadhay Oo Bilaabay Sheekho 50 Doller Ah Bilaabay(Labadeena)

Suxufi Codaaon oo sumcadii Gobalka Togdheer La Hadhay oo bilaabay sumcad xumo iyo dhaqan xumo oo hablahii iyo inamadii 50 Ku Kulan Siinayo Sheekhadan oo la magac Baxaday Labadeena

Suxufi Colddon aya waxa u bilaabay sheekadan oo ay shabakadda wargane Dabo gal ku haysay Coldoon aya sidan ku bilaabay balse xagay ku danbeysa

Wargalin

Mushruuca labadeena sidoo kale waxa u qorshaysan:

1- Dadka baahiyaha gaarka ah leh sida kuwa araga , maqalka ka naafada ah iyo kuwa kuwaa u eeg , in gacan laga siiyo sidii ay u heli-lahaayeen qofkii ay nolosha la qaybsanlahaayeen.

2-Kuwo uu guurku ku adkaagay dhaqaale’la’aan awgii in aanu gacan-siino.

3-labadeena waxa mustaqbalka u qorshaysan in hal mar aroos loo sameeyo dad badan ( aroos-wadareed).

4-Lacagta diiwaangalinta iyo ta dambe lagama qaadayo qofka aan hayn, ka awoodikaraa waa in uu bixiyaa

Coldoon aya waxa u sido kala soo bandhigey arrimo aan diin ahan sax ahayn oo ah lix arrimood

Lix arimood oo ku saabsan labadeena

Mushruuca aanu ku magacawnay Labdeena ee lagu daneeyo arimaha ku saabsan guurka iyo xidhiidhka,mashruucaa dad badni si bay u fahmeeen ka duwan sida uu yahay ,

Hadaba muxuu yahay labadeena , adeegyada laga helayaana waa maxay :

1-Waa raadiye kuu raadinaya qof aanad gacnta ku hayn , laakiin aad sifooyinkiisa maskaxda ku hayso.

2-waxa si weyn uga faa’idaysanaya dadka aan ku dhaca lahayn in ay xidhiidh la sameeyaan jeexooda kale , ee ay cabsida ama xishoodku celiyo iyo kuwa qof ay rabaan ka raadinaya meel ka fog meesha ay joogaan IWM.

3- Mashruuca labdeena kaliya raacdaynta kama shaqeeyo , waxa aad ka helaysaan talo-bixin ku saabsan arimaha xidhidhka , sida xidhiidhka jacaylka iyo dhibaatooyinka soo food-saara , iyo guurka iyo waxa ku gadaaman

4- Dhalinyarada caqabadaha dhaqaale guurka ka hortaagantahay,waxa qorshaha ku jira in uu mushruuca labadeena gacansiiyo , sidoo kale waxa gacanqabsho loo fidinayaa dadka baahiyaha gaarka ah leh sida kuwa ka naafada ah araga iyo maqalka iyo curyaamiinta IWM.

5- Qofka doonaya in uu mushruucan ka faa’idaystaa waa in uu is-diiwaangaliyaa marka hore, oo uu bixiyaa lacag dhan konton doolar ($50) dalka ha jooga ama debedda.Hawshuna haddi ay u hirgasho oo uu guursado qofkii aanu la raadinay ee aanu ku xidhnay lacag go’an lagama rabo , waa isaga iyo waxa uu u garto mashruuca labdeena.

6- Waxa mashruucan ka shaqayn-doona shakhsiyaad caan ah, oo aanu gadaal ka shaacin-doono, iyo kuwo aqoon u leh aqoonta guurka iyo xiddhiidhka, dadkaas oo isugu jira rag iyo dumar.

F/G

Si ku meel gaadh ah nagala soo xidhiidh email-kan: labadeen2@gmail.com, kuna soo dir macluumtkaaga iyo sifooyinka qofka aad doonayso.

Allaah mahad leh

Codoon aya waxa u sido kale soo bandhigey arrimo wali cas ah oo ku kulans siinayo 5o Dooller Hablihi Reer Burco Ee Sharafta leh Iyo Sido kale ragg Gobalka Togdheer

markan arkey

1-Muhiimadda mashruuca labadeena uu u leeyahay Bulshada.
2- Baahida loo qabo in maamul loo sameeyo mashruucan
3- Hawlkarnimadiisa ku aadan arimaha bulshada .

Waxa aan magacaabay maanta oo ay taariikhdu tahay 5/Shawaal/ 1438 H, kuna beegan 29/June/2017 Liibaan Cali Ismaaciil ( Liibaan Caligadhle) in uu noqdo agaasimaha guud ee mashruuca labadeena.

Liibaan Cali Gadhle waxa uu ka midyahay haldoorka dhalinyarada Magaalada Burco ee xaruunta gobolka togdheer , waxa uu ku firfircoonyahya arimaha bulshada .

 

Comments

comments