Somaliland: Laba Dil Oo Ka Dhacay Laba Deegaan Oo Gobolka Togdheer Ka Tirsan Iyo Ragg La Qafaashay Iyo Ciidamada Booliska Oo Ka Hawl Galay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa waxay sheegayaan in laba dil oo kala duwan ay ka dhaceen laba deegaan oo  gobolka Togdheer ka tirsan.

Labadan dil ayaa waxay ka kala dhaceen deegaanada Dhoqoshay iyo Gumbur-libaax oo ka tirsan Togdheer,waxaana dilka ka dhacay Dhoqoshay uu ahaa mid ay isku dileen laba nin oo  ehel ahaa halka ka kale ee ka dhacay deegaanka Gumbur-libaax-na uu ahaa mid Aano qabiil ah oo muddo soo jiitamaysay.

Waxaana sidoo kale deegaanka Gumbur-libaax lagu afduubtay Laba nin oo loo qafaashay dilka ka dhacay deegaanka,waxaana markiiba hawl gallo sameeyey ciidamada Booliska gobolka Togdheer.

Ciidamada Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglayaashii dilalka gaystay,waxaana sidoo kale ciidamada Booliska,maamulka gobolka iyo odayaasha deegaankuba ka hawl galeen sidii ay u badbaadin lahaayeen una soo dayn lahaayeen laba nin oo loo qafaashay dilkan ka dhacay Gumbu-libaax,kiiskaas oo ay ku guulaysteen ciidamadu,waxaana ay si nabad ah xorriyadoodii ugu soo celiyeen labadaasi nin ee la qafaashay.

Gabagabadina Xaaladda deegaanada ayaa hadda ah mid dagan,waxaana gacan ku dhiiglayaashii dilalka ka gaystay labada deegaan ee Dhoqoshay iyo Gumbur-libaax loo dhaadhiciyey xabsiga wayn ee magaalada Burco.

Comments

comments

SHARE