Deg Deg: Muxu Daarna Kulankii Guddoomiyaha Komishanka Iyo Safiirka Mareykanka U Fadhiya Somaliya

Waxaa uu kulan mihiim ahi dhex maray Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Somaliland  Eng. Abdiqaadir Iiman Warsame iyo Wafti uu hogaaminaayey safiirka Mareekanka ee u fadhiya Somaliland iyo Somalia Danjire Stephen Schwartz.

Kulankan oo qaatay mudo saacad ah waxa Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland iyo Danjire Stephen Schwartz ka wada hadleen arimaha doorashooyinka Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa maalintii arbacada aheyd waxa ugu horeyn gudoomiyuhu uga wara bixiyay danjire Stephen arimaha doorashooyinka iyo sida habsami u socodka ah ee ay u socoto kaadh qaybintu.

Sidoo kale waxa uu uga mahad celiyay taageerada ay ka geestaan dhanka doorashooyinka isaga oo carabka ku dhuftay dhanka daabacaada kaadhadhka iyo taageerada dhanka wacyi galinta ay ka qayb qaateen.

Danjire Stephen Schwartz waxa uu dhankiisa aad ugu amaanay KDQ hawsha baaxada leh ee ay hayaan iyo habsami u socodkeeda, sidoo kale waxa uu ku amaanay in ay u babac dhigeen hawsha kaadhqaybinta iyo doorashadaba, sidoo kalana ay xukuumadu ka taageertay dhaqaalihii hawshaas ku baxaayey.

 

Comments

comments

SHARE