Somaliland: xubo Wasiiro Ah Oo Dalka Ka Maqan Iyo Mashruucyo Ay Soo Fulinayen Oo Fashilmey

Waxaa dalka Somaliland markii ugu horeysay safaro kala gadisan dibada uga maqan wasiiradii ugu badnaa ee mar dalka ka wada maqan.

Wasiiradan ayaa siyaabo kala duwan uga baxay dalka isla markaana dalal kala duwan iyo hawlo kala gadisan dalka kaga maqan

Wasiiradan dalka safarada kaga maqan ayaa waxaa ay tiradoodu gaadheysaa ilaa lix wasiir

1. Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan

2. Wasiirka Wasaarada xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Cukuse

3. Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabo

4. Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed Xalotoosiye

5. Wasiirka Wasarada Duulista iyo Hawda Somaliland Farxaan Aadan Haybe

6. Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi .

 

Sidoo kale wasiiradaasi dalka dibada uga maqan waxaa weheliya oo xusid mudan in madaxweyne Siilanyo uu isaguna safar isaga khaas u ah ku jooda dalka Imaraadka Carabta

 

Dhinca kale wasiiradaasi ayaa la sheegayaa in ay weheliyaan oo dalka ay ka maqan yahiin  masuulyiin kale oo dalka xilal qaran ka haya sida Maamulayaal , Agaasimayaal iyo wasiirul Dawlayaal

Arintan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay Somaliland galeyso marxad adag oo ah doorasho madaxtooyo isla markaana dalku galaayo xaalad kala guur ah .

Comments

comments

SHARE