Deg Deg: Fanaanki Cabdi Hani Oo Bari Maxkamadda La Geyn Doono Iyo Lacag Ku Cadaatay Inu Cunay

fanaankan ayaa loo haystaa qadar lacageed oo dhan $45000 oo uu ka qaatay wiil dhalinyaro ah oo degan dalka ingiriiska,

Sababta ka danbaysa in fanaankan maxkamad lasoo taago ayaa lala xidhiidhinayaa lunsiga lacagtaasi oo ka soo gashay wiilkaasi oo u dhoofinayey dalka ingiriiska oo ay ku balansanaayeen inuu shaw halkaasi ku qabto lacagaha kasoo baxana lagu caawiyo abaaraha somaliland qayb kamidana isaga dib loogu celiyo,

Waxaa sabab u ah in fanaankan uu u dhoofiyo arimhii ay ku balameen wiilka oo ay dhexda kasoo gashay safiirka dalka ingiriiska u fadhiya somaliland AYAAN CASHUUR oo iyaduna dhankeeda fanaanka ku baayacday qadar lacageed oo ku laba laabmaya intii ay ku heshiiyeen wiilka uu hada u xidhan yahay,

maxkamada gobolka maroodijeex oo kiiskan gacanta ku haysa ayaa laga war sugayaa go,aanka ay ka qaadato

Comments

comments

SOURCEXasaasi
SHARE