Somaliland: Dhalinyaro Koox-Koox Ah Oo Dad Dalxiisayaal ah Ku Laayey Buuraha Sheekh Iyo Ciidamada Booliska Oo Xabsiga Ku Gurey Dhalinyaro Badan

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil isla markaana ah magaalo loo soo dalxiis tago maalmaha ciidaha ayaa waxa naloo sheegay in dhalinyaro koox koox ahi ay shalay dad dalxiisayaal ah ku laayeen buuraha iyo beeraha Sheekh ku yaala oo ay usoo dalxiis tageen boqolaal dalxiisayaal ah.

Dhalinyaradan kooxaha ah ayaa naloo sheegay in ay dadkan dalxiisayaasha ah usoo fuuleen Figta buuraha isla markaana dhagaxaan la dhaceen dadkii buuraha hoostooda marayey ee usoo dalxiis tagay,waxaana dhalinyaraddan ay dhaawacyo u  gaysteen qaar kamid ah dadkii goobaha usoo dalxiis tagay oo u badnaa dhalinyaro kale oo iyagu dalxiis ahaan u yimi magaalada Sheekh oo kamid ah goobaha Somaliland ku yaala ee Alle ku galaday quruxda iyo nicmooyinkiisa kala duwan.

Sidoo kalena waxa naloo sheegay in dagaal gacan ka hadal ahi dhex maray dhalinyaro kasoo dalxiis tagtay magaalada Burco iyo qaar kamid ah dhalinyaradii ku dhagax tuureysay dadka dalxiisayaasha ah,iyaga oo isku adeegsaday hubabka gacanta ee Faashka,Budhka,Mindida iyo dhagaxa,waxaana sida ay noo sheegeen dad kamid ah goob joogayaashu dhalinyaradaasi ay isku gaysteen waxyeelooyin kala duwan.

Ciidamada Booliska Sheekh ayaa la sheegay inay qabqabteen isla markaana ay xabsiga dhigeen dhalinyaro kala duwan oo kamid ah dhalinayaradda Sheekh ee dhagaxaanta ku laayey iyo qaar kamid dhalinyaradii Burco kasoo dalxiis tagtay ee timi magaalada Sheekh,waxaana ciidamadu kala dareeriyeen dhalinyaradii Buuraha ku dirirayay.

Gabagabadiina magaalada Sheekh ayaa waxay kamid tahay magaalo quruxda alle ku galaday,waxaana maalmahan Ciidaha oo kale usoo dalxiis taga boqolaal dadwayne ah oo kasoo kala socdaayo gobolada galbeedka iy Bariga Ssomaliland,waxaana ay usoo dalxiis tagayaan buuraha sheikh iyo durdurada ku yaala Beeraha Sheekh.

Comments

comments

SHARE