Somalia: Al Shabab Oo Wacad Ku Martay Inay Qoorta Ka Goyn Doonto Sheekh Mukhtaar Rooboow

Dagaalyahano katirsan kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa ineey baadi-goob xoogan ku bilaabeen Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur, kaasoo maalmo kahor Mareeykanka uu ka saaray Liiska Argagixisada.

Shiikh Mukhtaar oo la aaminsan yahay in uu ku dhuumaaleysanyo Qeybo ka mid ah Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ayaa la sheegay in ay hada raadinayaan Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa aaminsan in roobow uu doonayo iyada oo ka cabsi qabta  in uu isku dhiibo Dowladda Soomaaliya taasina aysan u cuntimin Al-shabaab sidaas Aawgeedna ay bilaabeen in ay raadiyaan halka uu ku dhuumaaleysanayo Abuu Mansuur.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki hore ee Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa hore dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Comments

comments