Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxa shalay galinkii danbe ka dhacay shil naxdin badan oo sababay khasaare hantiyeed iyo mid nafeedba.

Shilkan baabuur oo ka dhacay xaafada Siiney ee magaalada Hargeysa ayaa ahaa kadib markii gawaadhida dadka qaada ee la yidhaahdo Basasku uu si xun u  galay xaafada Daar ah isla markaana halkaasii uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Shilkan baabuur Ayaan sababin wax dhimasho ah  balse waxa dhaawac culusi uu soo gaadhay darawalkii waday gaadhiga oo naloo sheegay In isaga oo Koomo ku jira laga qaaday goobtii uu shilku ka dhacay,sidoo kalena waxa burbur xoogan soo gaadhay gurigii iyo gaadhigii labadaba.

Gabagabadiina wakhtiyada ciidaha ayaa waxa bata shilalka baabuur iyaga oo sababa khasaare naf iyo maalba leh.

Comments

comments

SHARE