Somalia: Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta La Tukaday Salaadi Ciida Shacabka Ku Dhaqan Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta salaada ciida kula tukaday boqolaal qof masaajidka isbahaysiga magalada Muqdisho.

Salaada kaddib ayuu madaxwaynaha khudbad jeediyay wuxuuna shacabka ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan amniga si looga hortago cid kasta oo xasilloonida kasoo horjeeda.

Dadwaynaha masaajidka iskugu yimi ayaa wajijadoodu ku muuqatay dareen farxadeed waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasibadda ciida.

Comments

comments

SHARE