Somalia: Gobalo Ka Tirsan Somaliya Oo Maanta Laha Ciidin Oo Laga Soomanyahay Yaab

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe Somaliya, ayaa sheegaya in maanta laga sooman yahay magaalooyinka ay ka arrimiso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe

Magaalooyinka iyo deegaanada ay sida buuxdo gacanta ugu hayso Ahlu Sunna, ayaa maanta laga wada sooman yahay, sida ay ku soo waramayan Suxufiyiinta.

Masuuliyiinta Maamulka Ahlu Sunna, ayaa dadka deegaanka u sheegay in soddonka maalmood ee bisha Ramadan ay kaamil yeelayan, maadaama sida ay sheegeen aan deegaanadaasi laga arag bisha.

Deegaanada kale ee Soomaalida iyo gebi ahaanba caalamka, ayaa maanta laga wada ciidayaa.

Comments

comments

SHARE