Somaliland: Oo Amar Ku Bixisay In Toddobaad Lagaga Guuro Seeraha Deegaanka Bookh Iyo Buurta Gacan Libaax

Wasiiradda Deegaanka Somaliland Oo Wareegto Ay Soo Saartay Ku Fartay In Dadka Labadaas Meellood Degeni Ay Kaga Guuraan Toddobaad Gudihii

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shugri X Ismaaciil Maxamuud ayaa soo saartay amar ay buurta Gacan Libaax iyo Seeraha Bookh kaga rarayso dadka xoolo dhaqatada ah. Amarka waiirka ayaa maamulka deegaankaasi faray in ay dadka kaga raraan mudoo todoba cisho gudahood ah.

Wasiirka ayaa amarkeeda ku sheegtay in dhul daaqsimeedkaasi uu xidhnaan doono illaa bisha labaad ee sanadka 2018. Iyadoo ku war-galisay hay’addaha Amaanka in talaabo laga qaado qofka u hogaansami waaya amarka.

Talaabada wasaaradda deegaanku qaaday ayaa ku soo beegmaya xilli dadka reer miyiga ah ay ku dhufatay abaar baahsan, taasoo sababaha keena loo foodsaaro dadka oo aan helin dhul-daaqsimeed loo seereeyey oo ay ku baxsdaan wakhtiga adag.

Comments

comments

SHARE