Qofkii Ugu Dambeeyay Ee Cagta Soo Dhiga Dayaxa Guudkiisa Oo Geeriyooday Isagoo Da’iidsu Kor U Dhaaftay 82 Jir Ah

Tiro kooban oo dhawr qof ah ayaa taariikhda lagu hayaa in ay dayaxa guudkiisa cagaha soo dhigeen oo ay is dul taageen. Sida warbaahintu ka warramayso toddobaadkan waxa geeriyooday mid ka mid ah qofafkii koobnaa ee ay u suurto gashay in ay dayaxa guudkiisa ku dul joogsadaan oo ay noqdaan kuwii ugu horreeyey ee bani aadam ah ee Daxaya cagta saara kaasi oo ah sida la sheegay kii ugu dambeeyey ee nolol ahaan ku soo gaadha wakhtigan. Waxa uu ahaa Gene Cernan oo ah cir-bixiyeen u dhashay dalka Maraykanka, ahna qofkii ugu dambeeyay ee cagta soo dhiga dayaxa, kaasi oo toddobaadkan ku geeriyooday dalka Maraykanka isagoo ah duq 82 jir ah. Kabtan Cernan ayaa ka mid ahaa saddex qof oo dayaxa guudkiisa gaadhay laba jeer, waxaana uu raadkiisu ahaa kii ugu dambeeyay ee halkaasi ku hadha sannadkii 1972-kii, isagoo sidoo kale ahaa taliyihii dayax gacmeedkii Apollo 17 ee xilligaasi loo diray hawada sare iyo dayaxa guudkiisa. Wakaaladda hawada sare ee Maraykanka ee NASA ayaa warbaahinta la wadaagtay geerida ku timid Kabtan Cernan oo ahaa cirbixiyeen dunida si weyn looga yaqaanay kaasi oo geeriyooday.
Laanta hawada sare u qaabilsan dalka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo NASA ayaa sheegtay inay ka naxday geeridda cir bixiyeenkaasi howlgabka ahaa kaasi oo ahaa ninkii nolol ahaan ugu dambeeyey saddexda qof ee illaa imika sida rasmiga ah dayaxa guudkiisa u dul taxtaxaashay ama dul socday. Qoyska Cernan ayaa sheegay inuu geeriyooday Isniintii aynu soo dhaafnay ee toddobaadkan, ka dib xanuun muddo hayay oo uu ugu dambayn u geeiyooday. Kabtan Cernan oo ka mid ahaa saraakiisha wakaaladda Hawada Sare ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano NASA ahaana mid ka mid ahaa saddexdii qof ee dayaxa dul lugeeyey ayaa sameeyay filim ka hadlaya noolashiisa Waxaana uu 14-kii Bishii March ee sannadkii 1934 ku dhashay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka isaga oo markii dambe isaga oo dhallinyaro ah ka mid noqday wakaaladda NASA ahaana raggii dayxa guudkiisa tagay ee calanka Maraykanka ka qotomiyey kaasi oo imika muddo badan da’ ahaa lana noolaa xanuun.

Comments

comments

SHARE