Somaliland: Wareegto Uu 1998 Madaxwayne Cigaal Ka Soo Saaray Ilaalinta Hantida Qaranka Iyo Boobka Hantida Dawladda Ee Xukuumadda Siilaanyo

Madaxwayne Cigaal AHUN Waxa Uu Digreetadan Soo Saaray Markii Nin Qoyskiisa Ah La Siiyey Guri Dawladeed + Halka Ay Madaxwayne Siilaanyo iyo Qoyskiisu Ka Taagan Yihiin Ilaalinta Hantida Qaranka

Hantida guud ee ka dhaxaysa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ilaalinteedu waxay waajib ku tahay Madaxwaynaha markaas xilka haya iyo inta la shaqaysa ama ku xeeran.

Iibka hantida guud, ku tagrifalka hantida umadda ka dhaxaysa ee dhul iyo dhisme leh iyo sidoo kale bixinta qaybo ka mid ah hantida guud ayaa wakhtiyadii u dambeyey noqotay wax si aad ugu dhex faafay umadda Somaliland, waxaana aan tiro lahayn dhulkii iyo dhismayaashii dawladda oo wakhti xaadirkan intoodii badnayd gacanta ugu jiraa shakhsiyaad gaar ah oo ganacsato iyo qurbajoog ubadan, hadaba waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa lifaaq ka mid ah digreeto uu Madaxwaynihii hore ee jahmuuriyadda Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHN uu ka soo saaray wareejinta hantida qaranka, waxaana uu si gaar ah uga dar-daarmay in xubno qoyskiisa ka mid ah mudada uu xilka hayo hanti guud lagu wareejyo, nuqul ka mid ah digreetadaas oo soo baxday sannadkii 1998 laguna socodsiiyey maayirka iyo badhasaabka gobolka Saaxil ayaa u dhignayd sidan:

“Dalab shakhsi ah oo aan idiin soo jeedinayaa waxa uu yahay: hantida qaranka lama bixin karo oo qof shakhsi ah laguma wareejin karo, waxa qudh oo ay taasi ku dhici kartaa habka hanti qaran wareejinta (privatation) oo ka soo baxa dawladda dhexe si kale oo qof hanti qaran lagu siin karaa majirto. Mabda’a oo kaas ah marka qof reerkayga ah oo reer Cigaal ah cidii siisa hanti qaran iyadoo aniga la igu xumaynayo oo shacbiga loo tusayo inaan hantidii qaranka reerkayga u qaybinayo waxaan magan idiinka ah inaydaan arrin caynkaas ah fulin meel kastaba haka timaadee ayadoo aydaan marka hore aniga isoo gaadhsiin, waxa taas ka mid ah guryo qaranku leeyahay  oo la siiyey nin ina Daa’uud Cigaal ah oo uu isna ka iibiyey Ganacsade Baxsane, siinta hore iyo iibka dambe midna waxba kama jiraan”.

Warqadan ayaa soo baxday sida Madaxwaynuhu sheegay kadib markii nin ay ilmaadeer yihiin la siiyey hanti ay dawladdu lahayd isla markaana uu isaguna sii iibiyey.

Hadaba waxaa xusid mudan halkee ayay maanta Xukuumadda Siilaanyo kaga jirtaa ilaalinta hantida qaranka? xubnaha qoyska Madaxwaynuhu intee in le’eg ayay iska xakameeyaan ku tagrifalka hantida dawladda? Madaxwayne Siilaanyo xil ma iska saaray inaan qoyskiisu gacanta ku dhigin wax hanti qaran ah mudadii uu joogay?.

Dhammaan su’aalahaas waxaa ka jawaabaya wadciga uu maanta dalku ku jiro iyadii boobka hantida qaranku ay si caadi ah maalin walba uga dhacdo xarumaha dawladda kuwooda ugu dhaw Madaxwaynaha.

Comments

comments