Deg Deg: Dawlada Mareykanka Oo Ka Saartay Liiska Aragaixisada Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur

Dowladda Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Abuu Mansoor ayaa ahaa Hoggaamiye kuxigeenki Al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu mar soo noqday Afhayeenka Al-Shabaab.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa warbaahinta VOA u xaqiijisay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga.

Abuu Mansoor ayaa sanadihii u dambeeyay la hadal hayay inuu wada hadalo hoose kula jiro dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xurguf soo kala dhex gashay Hoggaanka Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan liiska Argagixisada ee laga saaray Abuu Mansuur.

Fiiro Gaar Ah :-Waxaa Warkan Bartiisa Twitter-ka Soo Dhigay Wariye Haruun Macruuf Oo Ka Tirsan Shaqaalaha Idaacada VOA

Comments

comments