War Deg Deg Ah: Qarax weyn Oo Imika Ka Dhacay Caasimadda Muqdisho

Daqiiqado ka hor ayaa laga maqlay qarax weyn oo loo maleynayo in uu ahaa ismiidaamin saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya qaraxa ayaa sheegay in  loo adeegsaday gaari Noha ah oo sida la sheegay lagu dhuftay ilinka hore ee saldhiga oo ku yaala meel aan sidaa uga fogeyn is-goyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Khasaaraha wali ma cada, hasse ahaatee waxaa jira warar kala duwan oo ka hadlaya khasaaraha uu sababay qaraxan.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa lagu waramayaa in ay gaareen goobta oo ah mid ay ka jirto xaalad kacsanaan ah

Comments

comments

SHARE