War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Imika Ka Hilaacay Muqdisho Iyo Dhimashada

Waxaa goordhaw qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaadhi waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ka dhacay alabaabka hore ee xarunta Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sida aanu Wararka ku heleyno qaraxa ayaa loo adeegsaday gaadhi Caasi ah oo waxaabaha qarxa laga soo buuxiyay laguna soo qariyay qudaar, waxaana laga dhuftay qaraxa albaabka laga galo xarunta Degmada Wadajir.

Ilaa hada ma kala cada  khasaaraha dhabta ah ee ka dhashey qaraxaasi balse waxaa la sheegaya in khasaare o kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ,  waxaana halka uu qaraxu ka dhacay laga daad gureenayaa dhaawacyada dadka waxyeeladu soo gaadhtay

Comments

comments

SHARE