Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf oo ka mid ah Madax-dhaqameedyada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka AWDAL, ayaa Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Boorama kaga hadlay Xiisadda ku dhexeysa Dalalka Jabuuti iyo Eritrea, kuwaasi oo isku haysta Jaziirad ku taalla Xuduudka labada Waddan.

Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf, ayaa sheegay inay u diyaar u yihiin inay Dawladda Jabuuti ka caawiyaan difaaca Dhulka ay isku haystaan Dawladda Eritrea isla-markaana doonayaan inay Ciidamo u diraan, wallow aan la garanayn waxa ku kelifay inuu arrintan ka hadlo, maaddaama oo aanay weli Dawladda Somaliland ka hadal Mowqifka ay ka taagan tahay.

Comments

comments

SHARE