Manchester United oo DALAB ka go’aansho mujinaya ku dooneysa Ronaldo

Manchester United waxaa lagu wadaa in ay Cristiano Ronaldo kula soo wareegto £175million oo lagu daray David de Gea.

Red Devils waxa ay diyaar u tahay in ay David de Gea heshiiska qeyb uga dhigto si ay Cristiano Ronaldo dib ugu soo celiso Old Trafford.

Ronaldo waxa uu sheegay in uu ka tagayo Spain kaddib markii lagu edeeyey lunsashada aduun dhan £13million oo canshuuro ah.

Maanta oo isniin ah ayaa la filayaa in uu si shaaric ah ugu hadlo madaxweynaha Madrid Florentino Perez arinra Ronaldo halka Zinedine Zidane uu hore Teloofoonka kula hadlay.

Ronaldo oo xiiso ka helaya China aya doonaya in uu sii joogo Europe waxaana isku haysta United oo fursadda ugu weyn haysata iyo PSG oo ku tashaneysa cududeeda dhaqaale.

Ronaldo 55 gool ayuu koox iyo dalba u dhaliyey ololihii hore isaga oo ka caawiyey in Real ay hanato Champions League-gii saddexaad muddo afar sano ah.

Comments

comments

SHARE