War Deg Deg Ah: Dil Fool Xun Oo Caawa Ka Dhacay Xaafad Ka Mid Ah Hargeysa

Warar xogogaal ah  ayaa waxay sheegayaan in goor dhawayd nin hubaysan uu gudaha magaalada Hargeysa ku dilay oday iyo wiilkii oo ku nool magaalada Hargeysa.

Ninkan hubaysan ayaa sida la sheegay rasaas ku furey odayga iyo wiilkiisa wakhti ay ku sugnaayeen goob u dhaw warshada Caanaha ee magaalada Hargeysa.

Odaygii ayaa dhintay halka wiilkiisiina uu dhaawac culus yahay,waxaana dhaawaca wiilka lagula tacaalayaa cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Arrikan dilka sababay ayaa ka dhashay sida la sheegay arrin ku saabsan muran dhul,waxaana markiiba goobta ka baxsaday gacan ku dhiiglihii dilka gaystay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku hawlan soo qabashada ninka dilka gaystay

Comments

comments