Somaliland: Xildhibaan Baaq Nabadeed U Diray Beelo Dagaal Ku Dhex-maray Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sanaag.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa baaq nabadeed u diray labo beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay degmada Biyoguduud oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Cabdiqaadir Xaamud oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa ayaa waxa uu sheegay in ay labo qof ku dhinteen iska hor imaad dhex maray labo beelood oo wada daga degmada Biyoguduud, waxaana uu tilmaamay inuu aad uga xun yahay in dhimasho timaado iyadoo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Xildhibaanka oo arrimaahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan baaq nabadeed u dirayaa labo beelood oo walaalo ah oo isku laayay tuulada degmada Biyoguduud oo ka tirsan gobalka Sanaag, waxaanan ILLAAHAY ka rajaynayaa in uu burcad isku mariyo, waana wax ILLAAHAY qadaray, waxaana aan rajaynayaa in aanay halkaa dhaafin oo la soo afjaro., wax macno leh iyo wax laysku qabsadana garanmaayo oo deegaanku waa badan yahay, aad baanan uga xumahay geeridaa ku timid labada inan iyo dilkaa dhacay iyadoo aynu ku jirno bil Ramadaan, magaaladuna waxay ku fiican tahay in la wado-dago waxaana fiican in bulshadu meel wada daganaato, macnana samayn mayso in reer kaliya meel dago.”

Comments

comments

SHARE