Somaliland: Garaadka Guud Ee Beelaha Dhulbahante Oo Ka Horyimi Heshiiskii Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo, Kuna Tilmaamay Mid Aan Danta Dadkaasi Ka Dhex Muuqan

“Dadkan Waxa Ay U Samaysteen Khaatumo Inay Dalkooda Iyo Talladooda U Madax-bannaadaan Taasi Hesiiska Kuma Jirto, Reer Sheekh Isaxaaqna Noo Talin Maayo” Garaad Jaamac Garaad Cali

Garaadka guud ee beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa si cad uga hor-yimid heshiiskii magaalada Hargeysa dhex-maray xukuumadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo, waxaanu sheegay in beesha dhulbahante halsoonidii kala noqotay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Garaadka guud ee beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle Garaad Jaamac Garaad Cali oo arrintaa ka hadlaya ayaa yidhi “go’aamadaa ka soo baxay Hargeysa ee maamulka Khaatumo mas’uuliyiintii meesha ka marayay ay ogolaadeen ma aha kuwo ka turjumaya danihii dadkani ay lahaayeen, ma aha kuwo matalaya wixii aanu u dirsanay, ma aha kuwo ay annaga noo soo qaadeen, ma aha mid dawaynaysa amma dhayaysa dhibaatooyinkii dadka reer Khaatumo ay qabeen ee loo samaysatay maamulka Khaatumo ee odoyaashan amma Madaxweyne ha ahaato amma guddoomiye baarlamaan ha ahaato amma mas’uuliyiinta kale ee meesha maraysay ha ahaatee aanu u igmanay, haddii aan sii bayaamiyo dadkan reer Khaatumo axdi-qarameedkoodii iyo dastuurkoodii ay lahaayeen qodobadan meesha ka soo baxay waa kuwa ka hor-imanaya, lidi ku ah, burburinaya, dadka reer Khaatumo ujeedooyinka ay Khaatumo u samaysteen waxa kow ka ah inay dalkooda iyo talladooda ay u madax-banaadaan, inay iyagu leeyihiin, in aan reer sheekh Isaxaaq-na ugu tallin, kuna liqin ugu biirin, kagana mid ahaan waxa Hargeysa laga soo yeedhiyayna ayna lagu sandulayn, ayna Hargeysa u daba fadhiisan martina ugu noqon qaybna ayna ka sugayn, qaybna ayna ka sugin amma ayna ka taban” ayuu yidhi Garaadka guud ee beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaadka guud ee beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qodobada ka soo baxay heshiiska u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo aanu ku jirin qodob ka turjumaya ujeedadii loo aasaasay maamulka Khaatumo waxaanu yidhi “dadkan waxa ay u samaysteen Khaatumo inay dalkooda iyo talladooda u madax-bannaadaan taasi ma jirto, meesha kuma qorna kamayso bixin kama muuqato xitaa laguma tallo jiro” ayuu yidhi Garaadka guud ee beelaha dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali

Comments

comments

SHARE