Dood Ka Dhex Curatay BOOBE Iyo IDAAJAA (Yaa sameeyay Heesta Soomaaliyeey Toosa) ?

?????????????????????????????????????????????????????????

Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka hadlay Cidda samaysay Midhaha Heesta SOOMAALIYEEY TOOSA, ka dib markii Qoraaga Axmed Faarax Idaajaa uu Barnaamijka Dhaqanka ee uu ka siidaayo Idaacadda VOA ku sheegay in Heestaasi uu sameeyay Aqoonyahan Soomaali ah oo Magaciisu yahay Cali Mire.

Boobe Yuusuf Ducaale oo Hargeysa ugu warramay Barkhad Maxamuud Kaariye oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA uga warrama  Somaliland, ayaa sheegay in Heesta SOOMAALIYEEY TOOSA uu Midhaheeda Curiyey Aqoonyahan Yuusuf Xaaji Aadan oo Aabbihii Waxbarashada Soomaalida isla-markaana reer Somaliland ahaa.

Boobe oo daba socda hadalka uu Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ku sheegay in Heestaa uu sameeyay Cali Mire oo ay Macalimiin Dugsiga SOS ka wada ahaayeen Xaaji Yuusuf Aadan, ayaa sheegay in Yuusuf Xaaji Aadan Laftiisu uu Alle u naxariistii uga warramay Sannadkii 1976-dii.

Axmed Faarax Cali (Idaajaa), ayaa barnaamijkiisa Dhaqanka iyo Hiddaha ee uu ka siidaayo Idaacadda VOA oo uu ku soo hadal-qaaday heesihii soo baxay xilligii Gubanimo-doonku socday ee Dhulka Soomaalida haystay Gumaystihii reer Yurub, ayaa sheegay in Heesihii wakhtigaa soo baxay ay ka mid ahayd Heesta SOOMAALIYEEY TOOSA, isagoo xusay in Heestaa uu sameeyay Aqoonyahan lagu Magacaabo Cali Mire oo Afartameeyihii ka mid ahaa Macalimiintii Dugsiga sare ee Magaalada Sheekh.

Comments

comments