“Haddii uu Cristiano Ronaldo ku soo biiro Man United waxaan ku heesi doonaa magaciisa anigoo xiran Koofi bis iyo Kastuumada xaaskeyga.

Cristiano Ronaldo ayaa aad u faraxad galiyay taageerayaasha Manchester United kadib markii sawirada cusub ee profile-ka Instagram kiisa laga waayay wax muujinaya Real Madrid.

Waxaa aad isku soo taraya inuu xiddiga reer Portugal ka tagayo kooxda Real Madrid kaddib markii lagu soo rogay dacwad ku aadan inuu lunsaday lacago badan oo cashuur ah.

Waxaa xitaa la sheegay inuu saaxiibadiisa Portugal ku war galiyay inay ka go’an tahay inuu isaga tago Spain isla markaana uusan xitaa dib ugu soo laaban.

Taageerayaasha Man United ayaa ku weeraxay baraha Bulshada iyadoo uu mid soo qoray:

“Haddii uu Ronaldo inoo saxiixo innaga, waxaan ku heesi doonaa oo ku ciyaari doonaa magaciisa anigoo tumaya Gitaar isla markaana xiran kaliya koofi iyo kastuumada ugu yar ee xaaskeyga.

Ku kalaa soo qoray: “Way dhaceysaa.”.

Ronaldo ayaa waqti qurux badan sanadaan la qaatay Los Blancos  isagoo la qaaday Champions League iyo La Liga laakiin wuxuu dareemayaa inaysan u difaacin sidii la rabay kaddib dacwada kiiska canshuur lunsiga.

Comments

comments

SHARE