Arturo Vidal oo hab cusub uga soo muuqan doona Confederations Cup

 

Kubbad bur buriyaha Bayern Munich ayaa cusbooneysiyay hab jariinka tintiisa isagoona hab cusub uga soo muuqan doona Confederations Cup oo caawa furmay.

Laacibka reer Chile ayaa durba lagu garan ogyahay tinta uu sida diiqa u xiirto iyo waliba jirkiisa uu ku dhoobo Tattoos.

Vidal iyo xarfaantiisa xulka ayaa axada ku furan doona kulankooda ugu horreeya koobka Qaaradaha Adduunka markaa oo ay wajihi doonaan Cameroon.

Chile ayaa ka qeyb galeysa koobkan maadaama ay hestaan Copa America.

Vidal ayaa ku soo guuleystay koobkan labo sano oo is xigta 2015 iyo 2016, wuxuuna iminka doonayaa inuu 2017 ku guuleysto.

Comments

comments

SHARE