Antoine Griezmann oo dhigtay AROOS qarsoodi ah isla markaana hab cusub u sameystay TINTA

Dhaliyaha Atletico Madrid ee dhawaan iska diiday Manchester United kaddib markii uu heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa Antoine Griezmann ayaa dhigtay AROOS qarsoodi ah.

Xiddiga reer France ayaa gabadha lagu magacaabo Erika Choperena kula aqal galay magaalada Toledo ee dalka Spain.

Intaa oo kaliya maahanee Griezmann ayaa sidoo kale tintiisa ku kalareeyay midbabka xulkiisa Faransiiska iyadoo uu soo dhigay bartiisa Instagram.

Neymar ayaa like durba soo saaray sawirka Griezmann iyadoo uu soo raaciyay Comment u dhacayay sidan: ““HHAHAHAHAHAHAHAHAHA.”

Labada laacib ayay isugu baxdaa oo marar horena comment-yo isku dhaafsaday baraha bulshada kaddib markii uu xiddiga reer Brazil uu u dabaal degay sida xiddiga Atletico Madrid oo kale.

Comments

comments

SHARE