Somalia: Kooxda Al-Shabab Oo Xukuun Adag Ku Riday Oo Gacan goyn ah ku fulisay

Maxkamad hoostagta Al-shabaab ayaa Xukun gacan goyn ah ku fulisay Aadan Cali Aadan oo lagu eedeeyay in uu jabsaday Dukaamo ku taalla Tuulada Tooratoorow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa lagu eedeeyay in uu Dukaamada ka qaatay Alaab iyo lacag tiradeeda lagu sheegay “Hal malyan Sagaal Boqol Lixdan iyo Labo Kun Shiling Somali”,waxaana lagu gacan gooyay fagaare ku yaalla degaankaas.

Dadbadan ayaa ka qeybgalay xukunkaas gacan goynta ah ee ay Al-shabaab ku fuliyeen Ninka lagu eedeeyay in uu jabsaday Dukaamo ganacsi oo ku yaalla Tooratoorow.

Ninkan gacanta laga gooyay ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay saddex ka mid ah dadka degaanka oo ku eedeeyay in uu jabsaday Dukaamadooda lacagtaasna ka xaday.

Comments

comments

SHARE