Somaliland: Nin U Dhoofayey Dalka Qadar Oo Lagu Qabtay Madaarka Hargeysa

Ciidammada Ammaanka ayaa Madaarka Diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ku qabtay Ismaaciil Cumar Madar oo ah Nin dhallinyaro ah oo dhawaan laga soo Celiyey Dalka Imaaraadka Carabta, ka dib markii uu kaga qayb-galay Tartan Qur’aanka Kariimka ah, balse uu gaadhi waayay Kaalintii loo baahnaa.

Ismaaciil Cumar Madar oo aan Magaca Somaliland kaga qayb-gelin Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee lagu qabtay Dubai, ayaa markii uu gaadhi waayay Kaalintii loogu gudbiyey Wareegga u dambeeya, waxa Dawladda Imaaraadka Carabtu siisay Lacag Ambo-bixin ahayd, si uu Hargeysa ugu soo laabto, laakiin markaa ka dib, ayuu bilaabay inuu Internet-ka ku baahiyo hadallo lid ku ah Dawladaha Carabta ee xidhiidhka u jaray Qadar, halka Maantana Ciidammada ammaanku ku qabteen Madaarka Hargeysa, isagoo doonaya inuu u dhoofo Dalka Qadar.

Safiirka Dawladda Somaliland u fadhiya Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, ayaa Wareysi uu la yeeshay Weriye Maxamuud Walaaleeye ku faahfaahiyey ujeeddada loo xidhay Ninkan dhalinyarada ah, waxaanu yidhi “Ninkaa Ismaaciil Cumar, markuu Imaaraadka imanayey wasaaradda Diinta & Awqaafta ma ogeyn, xafiiska Somaliland ee Imaaraadkana lamu soo xidhiidhin, hawshiisa waxa watay qolyo reer koonfureed, Muqdisho ah, balse markuu soo gaadhay Dubai, wuxuu u muuqday nin qorshahiisu ka weynaa ka qeybgalka tartanka Quraanka, maxaa yeelay waxuu baraha bulshada ku baahinayey dacaayado ka dhan ah waddamada Carabta, markuu tartankii u gudbi waayey gebagebadii sidii qorshahu ahaa waa la soo celiyey inta abaalmarintii helay la siiyey.”

Safiirka oo la waydiiyey Sababta uu Ismaaciil Cumar Madar uu Warbaahinta ka sheego in laga soo mastaafuriyey Imaaraadka, ayaa ku jawaabay “Markii qorshahii loo keenay Imaaraadku guul-daraystay, ka dibna isaga iyo qolyahii kale u beddeleen inay warar aan jirin ku faafiyaan warbaahinta, nasiib wanaag, maanta ayey ciidamada amaanku ku qabteen madaarka Cigaal isagoo u socdaalaya dalka Qatar.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “ “Ciidamada Amaanku xilligan baadhitaano la xidhiidha arrinkiisa ayey wadaan, markuu u dhamaadana, iyagaa faahfaahin ka bixin doona sababaha loo qabtay, xaqiiqada qorshahiisana bulshadu way ogaan doonaan.”

 

Comments

comments

SHARE