Dawlada Eritrea ayaa waxaa ay qabsatey qeybo ka mid ah dalka Jabuuti ka dib markii ay halkaasi ka baxeen ciidamadii nabad ilaalinta u joogey ee dalka Qatar ka socdey oo dhawaan dalkaasi la baxay.

Wasiirka arimaha dibada dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa waxaa uu shaaciyey in Eritrea ciidamadeeda soo Deegeen saldhigyadii ciimada dalka Qatar ay ka gureen ee Dumeera waxaana uu yidhi wasiirku

” Wararka na soo gaadhaya waxaa ay sheegayaan in Goobtii ay ciidamda Dawlada Qatar kala baxday Ciidamadii nabad ilaalinta u joogey ee Dumeera ay  iminka ku soo noqdeen oo ay soo deegeen ciidamad adawlada Eritrea ” ayuu yidhi wasiirku

Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Dalka Jabuuti ayaa sheegay in dawlada Jabuuti diyaar u tahay in wada hadal lagu dhameeyo muranka dhinaca xuduuda ah ee ka dhaxeeya dalka Eritrea

Comments

comments