Wiilka Uu Dhalay Madaxwayne Trump Oo Weeraray Wasiirka Hore Ee Arrimaha Debbada Maraykanka John Kerry

Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Dalka Maraykanka ee la yidhaahdo Donald Johnnyo ayaa waxa uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka qoraal uu ku dhalleecaynayo Wasiirkii hore ee arrimaha Debbada ee Dalkaasi Maraykanka Mr John Kerry kadib markii uu Kerry kula kulmay Wasiirka arrimaha Debbada ee Dalka Iran Magaalada Oslo ee Dalka Norway,

qoraalka wiilkan ayaa u dhignaa sidan “Waxay ila tahay inuu wali u dagaalamayo Iran darteed miyaanay ku filnayn Sanaaduuqdii lacagta ahaa ee markii hore”.Sanaaduuqda lacagta ah ee uu carrabka uu ku dhuftay wiilka uu dhalay Madaxwayne Trump ayaa waxay tahay lacag 400 Milyan oo Dollar oo ka mid ahayd lacag dhan Milyaar iyo 700 oo Milyan oo Dollar oo ahayd lacag Dalka Iran kaga Xayirnayd Dalka Maraykanka, lacagtaasi oo la xayiray xilligi uu Dalka Iran ka talinayay Madaxweyne Shah, lacagtaasi oo ay Dawladda Iran Hub kaga iibsanaysay Dalka Maraykanka.

Comments

comments

SHARE