War Deg Deg Ah: Xisbiga Waddani Oo Imika Go,an Ka Soo Saray Go,amadi Xukuumadda Ee Duulimadad Qatar

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu war saxaafadeed ka soo saarey go,aanka ay xukuumada Somaliland ka gaadhey khilaafka dalalka carabta isla markaana ay xidhiidhka ugu jartey dalka Qatar .

War saxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Muddane Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde waxaa lagu sheegay in waxii isbedlo siyaasadeed ah ee aduunka ku soo kordha qaranka Somaliland masuul uga yahay madaxweynaha loo Doortey ee Axmed Siilanyo

Sidoo kale war Saxaafadeedkan xisbiga Waddani soo saarey waxaa lagu sheegay in Dawlad deeganka Somalida Itoobiya Iyo Somaliland uu ka dhaxeeyo dad , dan iyo duunyo isla markaana waxii eedo ah ee loo gaystaa ay yahiin mid deel qaaf ku ah

Comments

comments