War Deg Deg Ah: Culimada Timo Weynta Oo Iminka Soo Saaray War-Saxaafadeed Ku Socda Madaxweyne Siilaanyo

Culimada Ahlu-Suna Waljameeca ee Somaliland ayaa waxaa ay kulan balaadhan ku yeesheen Magaalada Hargeysa waxayna si Adag Ugu Dadafeeyeen isla markaana ay uga hor yiadeen 12 Kii Xubnood ee Dhawaan Madaxweynaha Somaliland U Magacaabey Guddida Golaha Culimada.

Sidoo Culimada Ahlusuna Waljameeca ee Somaliland waxay soo saareen bayaan ka kooban 5 Qodob isla markaana ay kaga hadlayaan 12 Xubnood ee loo Magacaabey Guddida Golaha Culimada Dalka.

1.In Aaney guddidaasi waafaqsaneen dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Tiro ahaan iyo shuruud ahaanba

2.In Aan Guddidaas lagu qeybin si cadaalad ah oo siman balse ay yahiin koox kaliya

3.In ay guddidaas ka mid yahiin rag xanbaarsan fikiradaha xag jirka ah

4.In aaney matali Karin mad habdkii iyo caqiidadii dalkani lahaa

5.In aany magacaabidoodu ku habooneen wakhti xaadirkan kala guurka lagu jiro

Comments

comments

SHARE