Somaliland: Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Oo Guddoomiye U Soo Magacaabay Degmo Somaliland Ah

Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), ayaa Guddoomiye u Magacaabay Degmada Taleex ee Xarunta Gobolka Xaysimo ee Somaliland.

Madaxweynaha Puntland oo aaminsan in Degmada Taleex ka mid tahay Dhulka Maamulkiisu xukumo, ayaa Wareegto uu soo saaray 12-kii bishan Juun, wuxuu ku sheegay inuu Guddoomiye u Magacaabay Degmada Taleex, taasi oo Sannad ka hor uu Madaxweynaha Somaliland ka dhigay Magaalo Madaxda Gobolka cusub ee Xaysimo ee Somaliland.

Wareegtada Madaxweynaha Puntland uu ku sheegayo inuu Guddoomiye ugu Magacaabay Degmada Taleex ee Somaliland, ayuu ku sheegay sidan “Madaxweynaha Dawladda Puntland, markii arkay Dastuurka Dawladda Puntland, Markuu tixgeliyey Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo, markuu arkay talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga, wuxuu Maxamed Rooble Ciise loo Magacaabay Guddoomiyaha Degmada Taleex, Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexay.”

Digreetada uu soo saaray Madaxweynaha Puntland, ayaa muujinaysa in Maamulka Puntland uu aaminsan yahay in deegaannada Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle dhulkiisa ka mid yihiin, Wallow ay ku yaallaan gudaha Somaliland.

Xuduudka Somaliland ee gumaystuhu ka tagay ayaan wax badan ka fogeyn Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Comments

comments