Somaliland: Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Dacwad Ay U Soo Gudbiyeen Culimada Suufiyadu, Taageerona U Muujiyay Go’aankii Xukuumadda Ee Khilaafka Waddamada Khaliijka

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa markii horaysay ka hadlay Cabasho ay golahaasi soo gaadhsiiyeen Culimada Suufiyadda (Ahlu Sunna Wal-Jameeca),oo ku saabsan Gudidii Culimada Heer qaran ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku dhawaaqay,waxa uu Xaqiijiyay in Cabashadaasi soo gaadhay islamarkaana uu Golaha Guurtida arintaasi gudo gali doono,waxa kale oo uu ka hadlay Mawqifka ay Dawlada Somaliland ka istaagtay Khilaafka ka dhex aloosmay Wadamada Khaliijka Carabta waxaana uu taageero u muujiyay go’aan madaxweyne Siilaanyo ka ka qaatay arintaasi.
Gudoomiye Saleebaan ayaa sidan ka sheegay Maruu shalay Warfidiyeenada Kula hadlayay Xarunta Golaha Guurtida,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Markay arin wayn tahay Madaxweyne ayuu qaranku leeyahay,Isaga ayaa u yidhaahda,Isagiina hadal,Dee halka uu maro uunbaynu wada maraynaa,Dantuna sidaasi ayay ku jirtaa,Dantuna maaha uun in go’aan la iska gaadho ee dan ayaa la raacayaa,iyaguna kolay siyaasad ahaan way isku dhaw dhaw yihiin,Nimankan is khilaafsani maanta,Laakiin halka ay dantu tahay ayuunbaynu wada maraynaa,Danteenuna sidaasi ayay ku jirtaa,Dhex isma taagi karno,Dawlad ayaynu nahay,Dana waan leenahay,Halkii dantaydu ku jirto ayaan raacayaa,”.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay koox Culimo Awdiin ah oo cabasho ka keenay Gudida culimada heer qaran ee uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay,kuwaasi oo la sheegay inay ka biyo diidsan yihiin qaabka loo xulay Gudidaasi iyo saamiga laga siiyay,waxaanay wararku sheegayaan in kooxdaasi Cabashada keentay ay ka mid yihiin jameecada Suufiyada oo hore loogaga daray Gudida laba oday oo aad u waa wayn balse la sheegay inay wali saluugsan yihiin saamiga laga siiyay,Gudoomiye saleebaan oo Culimada Cabashada soo gaadhsiisay ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi“Arinta Culimadaasi Cabanaysaa Golaha Guurtida ayay hor iman doontaa, Markaasi ayaa laga talin doonaa,kana hor dhici maayo ee Afka ha iga qor qoryaynina”.
Gudoomiyaha Golaha Golaha Guurtidu Waxa kale oo uu ka hadlay Doorashada la sugayay ee dhacaysa sanadkan dhamaadkiisa, iyo Degreetada Madaxweyne Siilaanyo ku mudeeyay maalinta qabsoomida Doorashada Madaxtooyadda waxaana uu yidhi“Madaxweynuhu isaga ayaa go’aanka leh,Kol haddii uu maalin qabtay oo uu mudeeyay,Nabadgalyadana isagaa ka masuul ah,kol haddii uu qabtay kaadhka codayntana hala qaato ayaan leeyahay,doorashadiina hala galo”.

Comments

comments