Somalia: Muxu Ka Yidhi Farmaajo Qaraxii Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaayo, ayaa si kulul uga hadlay weerarkii xalay Al Shabaab ay ku qaadeen maqaayada Pizza House, ee ku taalla degmadda Hodan ee magaalladda Muqdishu.

Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen halka 26 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii Al Shabaab ay weerareen maqaayada Pizza House.

Mudane Farmaajo ayaa tacsi kadib waxaa uu yiri “Dadkaasi waxaa ay ahaayeen dad shuhada ah oo bil soon ah la dilay, waliba xili ay faraxsanaayeen waa in laga murugoodo, in bil Ramadaan ah waliba 10-kii dambe lagu jiro in dad Soomaali ah oo aan waxba galabsan in la laayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin!.

“Cadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda amniga Somaliya Axmed Maxamed Maxamuud Carab,ayaa sheegay in dadka la dilay ay ku jireen 7 gabdhood oo dhallinyaro ahaa, kuwaasi oo ku sugnaa Hotelka weerarka ay ku qaadeen ururka Al -shabaab.

Comments

comments