Somalia: Maxa Ku Cusub Xasuuqi Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo Ila Saaka Socday

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw shaaciyay in la soo afjaray iska horimaad qaatay saacado dhowr ah oo ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ku dhaxmaray maqaayada Pizza House oo ku taala degmada Hodan oo xalay ay weerareen dabley ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda 18 ruux ayaa la xaqiijinayaan in ay ku dhinteen  weerarka lagu qaaday maqaayada Pizza House halka tiro ka badan 26 ruux kalana ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay waxaa ka mid ah ajaanib qaarkood la sheegay in  shaqaale ka ahaa maqaaxida la weeraray.

Afhayeenka dhinaca howlgalada Al-shabaab C/siiis Abuus-muscab ayaa sheegay in markii hore bartilmaameedku ahaa hotelka lagu magacaabo Posh Treats oo ah goob lagu caweeyo, hasse ahaatee markii danbe dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa gallay maqaayada Pizza House oo ah halka iska horimaadka ugu ba’an uu ka dhacay.

Dhamaan waxaa wali xiran jidadka galla agagaarka halka uu weerarka ka dhacay, waxaana la arkayaa dadweynaha oo lugeynaya, madaama aan la ogoleyn dhaqdhaqaaqa gadiidka dadweynaha, waxa kaliya oo ay idhahaagu qabanayaan ayaa ah gadiidka dagaalka ciidamada dowladda iyo kuwa gurmadka deg deg ah oo halkaa dhaawacyo ka qaadaya.

Warbaahinta ayaa la diiday in ay siweyn ugu dhawaadaan goobta, taasoo ilaa xalay adkeysay in macluumaad badan laga ogaado sida ay wax u socdaan.

Iska horimaadkan socday ilaa xalay ayaa noqonaya kii ugu balaarnaa oo magaalada Muqdisho ku dhaxmara ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab sanadihii ugu danbeeyay.

Sidoo kale weerarkan ayaa imanaya xili todobaadyadii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ay ka soconayeen howlgalo amniga lagu sugayo, waxaana howlgalkan lagu qabqabtay tiro badan oo hub sharci darro ah.

Comments

comments

SHARE