War Deg Deg Ah: Wadamada Carabta Oo Imika Daawaha Saaray Aqoonsiga Somaliland Kadaib Cadhadii Sucuudiga Kala Kulmay Xamar

Warbaahinta ugu afka dheer dalalka Khaleejku waxa ay qaadaa dhigayaan in hogaamiyayaasha Sucuudiga. Imaaraadka Carabta. Iyo Masar ay doonayaan in ay si deg deg ah u aqoon sadaan Somaliland mar hadii ay taageero aan gabasho lahayn u muujiysay xulufadooda isla markaana ay bar bar istaagtay halka ay xamar diiday go’aanka sucuudiga.

Waxa saxaafada carabtu si wayn u qoreen in wakhtigan khaleejku diyaarinayo qorshayaal uu si rasmi ah ugu aqoon sanayo Somaliland isla markaana uu garab istaag u muujinayo mar hadii uu ku dhawaaqay go’aan ka duwan ka somaliya.

Arintan waxa ay caqabad ku noqotay xamar waxa ay sidoo kale fursad fiican u noqotay Somaliland oo Siyaasadda arimaha dibadu u fur furantay go,aankii xukuumadda Somaliland ka qaadatay khilaafka dalalka khaliijka oo indhaha dunida ku soo jeediyey isla markaana noqdey dariiq soo dhaweeyey aqoonsigii Somaliland iyagoo ku muujinaya warbaahinta carabta ugu waaweyn ku waas oo qaadaa dhigaya in Somaliland tahay jamhuuriyad ka madaxbanaan somaliya oo gooni utaagan isla markaana ah dal nabdoon oo dhaqaale badan haysta isla mar kaana 26 sano ku naaloonayey madaxbanaani iyo nabad waxaaney sheegeen inay buuxisay shuruudihii dawladnimo.

Comments

comments