War Deg Deg Ah: Qarax Xoogan Oo Imika Lala Beegsaday Caasimada Muqdisho Iyo Dhawaaca Iyo Dhimashada

Qarax weyn ayaa goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, kaa soo siweyn looga wada maqlay xaafaddaha magaalada oo idil.

Warar hor dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Posh oo siwen ugu dhaw  Pizza House oo ku dhow Isgoyska Banaadir.

Labadan maqaayadood ayaa siweyn isugu dhaw waxaana wali soo baxaya warar kala duwan oo weerarkan ku saabsan.

Goobta la weeraray ayaa xiliyada habeenkii waxaa ku kulmi jiray oo halkaa ku cawaaya dhalinyaro wiilal iyo gabdho leh.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa kaddib la maqlay rasaas loo maleynayo in ay dabley gudaha u galeen maqaaxida.

Sida kala Tirro aan lagu kalsoonayan ayaa sheegayan Inu Ku Dhawaamacau Ila Ku Dhawaad 35 Qof Xaga Ay Sheegayn Inu Dhintan Ila 8 Qof Lama Xaqiijin

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

Comments

comments